Home Wararka Maanta Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Mudug ” Hala Toogto Ganacsadihii lacag siiya Al-Shabaab ”

Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Mudug ” Hala Toogto Ganacsadihii lacag siiya Al-Shabaab ”

0

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur oo booqasho ku jooga Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, isaga oo kala hadlay dardar gelinta howlaha sugida Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Taliska Booliska Gobolka Bari & Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa kulankooda waxaa ay isku afgarteen nay siwadajir ah ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro kala duwan ka geysta degaannada Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Ganacsatada Puntland u soo jeediyay in aysan Al-Shabaab siinin lacago baad ah oo uu sheegay in dadkooda lagu dhibateeynayo.

Waxaa uu sheegay in Ganacsatada, iyaga oo doonaya inay naftooda badbaadiyaan ay Al-Shabaab siiyaan lacag, balse dadkoodii lagu dilay ayna kamid yihiin dadka wax dilaayo maadaama ay lacag siiyaan Al-Shabaab, waxana uu ugu baqay inay diidaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab.

“  Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaas, waa in Ganacsatada ay si deg deg ah u diidaan lacagtaas oo ay shiraan una midoobaan arrintaas ayuu yiri” Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soo jeediyay in ganacsadihii la ogaado in uu Al-Shabaab siiyo lacag uu mudan yahay in bartiisa lagu toogto ama la Maxkamadeeyo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCadaado: Gadiidleyda Magaalada oo dhigay Banaan-baxyo Cabasho ah. Sawiro
Next articleSenator, Gen Cabdi Qeybdiid oo Maamulka, Culimadda, Odayaasha iyo dhalinyaradda Degaanka Ceeldibir ka gudoomay xoolo nool iyo Ciidan. Sawiro