Home Wararka Somaliya Dhageyso:- Ex Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda uga digay in la carqaladeeyo...

Dhageyso:- Ex Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda uga digay in la carqaladeeyo banaanbaxa

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo waxyaabihii ay ku heshiiyeen Xukuumadda Soomaaliya, sida Gudiyada banaanbaxa loo xilsaaray iyo kuwa dhacdadii 19-kii Febaraayo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Xasan Sheekh in  aysan jirin dad ay dowladda soo abaabushay oo loogu talo galay inay banaanbaxaas ka qeyb-galaan hadii  ay tagaana ay carqalad u arkaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in banaanbaxa Midowga Musharixiinta ku dhawaaqeen in uu qabsoomo Maalinta Sabtida ah uu yahay midkii ka baaqday 19-kii Bishii Febaraayo, isaga oo ku adkeestay in banaanbaxaas uu qabsoomayo.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in hadii qof walba uu codkiisa ku cabiri waayo aysan jirin dowladnimo iyo bani’aadanimo.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aadaya xilli Midowga Musharixiinta ay u diyaar garoobayaan Maalinta Sabtida ah ee todobaadkan in Taalada Daljirka Daahsoin inay ku qabtaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ad
Previous articleMaxay Tahay Shuruudaha DFS ay ku xirtay Banaanbaxa Mucaaradka ?
Next articleKooxda Shabaab oo goob Fagaaro ah ku toogtay 5 Qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here