Home Wararka Maanta Dhaawacyada qaraxyadii Jalalaqsi & Buula-burte oo la keenay Muqdisho(Sawiro)

Dhaawacyada qaraxyadii Jalalaqsi & Buula-burte oo la keenay Muqdisho(Sawiro)

0

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyey 17 ruux oo kamid ah dad shacab oo galabta ku dhaawacmay qaraxyadii Al-shabaab ku weerareen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Dhaawacyada waxaa  garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Maareenta musiibooyinka Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Dayuurad gaar ah oo DF ay ka dirtay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney degmooyinka Buulo Burde iyo jalalaqsi ka soo qaaday dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu aad u liidato.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta magaalada Jalalaqsi ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay bar kontorool oo laga hubiyo baabuurta u socota buundada magaalada. Baabuurkaas ayaa qaraxiisa uu burburiyey dhisme ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Gudoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xil-wareejin samaynin.

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday mooto bajaaj lagu dhuftay buundada magaalada ee kormarta webiga Shabeelle, ugu yaraan hal qof ayaana ku dhintay qaraxa oo sidoo kale burburiyey qayb ka mid ah buundada oo uu dalooliyey.

Ad
Previous articleCabsi Xooggan oo ka jirta Baledweyn iyo Buundooyinka oo loo diiday in gaadiidka maraan
Next articleXayeysiiska Gabar Xijaaban oo Muran ka dhalisay Dalka Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here