Home Wararka Maanta Deni oo Weerar Afka ah ku Qaaday Qoor Qoor Laftagareen iyo Axmed...

Deni oo Weerar Afka ah ku Qaaday Qoor Qoor Laftagareen iyo Axmed Madobe

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo dhowaan ka hadlay magaalada Garoowe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ooh adda la rumeysan yahay inuu khilaaf kala dhaxeyeo.

Saciid Deni ayaa saaxiibadiisii hore ku eedeeyey madaxda dawlad goboleedyada koonfurta in ay doonayaan waqti kororsi ay xafiiska ku sii joogaan, kaas oo ay kala shaqaynayso dawladda federaalka Soomaaliya.

“State hebel markaan doorasho ma galayee hal sano ayaan siiyey, labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellayaa, waxay la micno tahay, sharciyadda oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa mar uu ka hadlayey arimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa uu sheegay inaan xoog laysku muquunin karin taas badalkeeda Puntland ay diyaar u tahay garnaqsi iyo in ay cadayso waxa ay diidan tahay.

“La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu madaxweynaha ku sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ka jeediyey xiritaankii shirka jiheynta xukuumadda fowladda Puntland.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa,“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Puntland.

Puntland ayaa ka qaybgalin shirarka golaha wadatashiga qaran, waxayna sheegtay inay diidan tahay wax ka badelka dastuurka iyo siyaasadda dawladda federaalka Soomaaliya, iyadoo madaxda dawladda federaalka ay ku celcelinayaan inaan loo joojinayn taas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAkhriso Magacayada Kooxda Alshabaab ee Maantay Cunaqabtaynta Lagu soo Rogay
Next articleBurcad-badeeda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay markab weyn oo laga leeyahay dalka.