Home Wararka Maanta Akhriso Magacayada Kooxda Alshabaab ee Maantay Cunaqabtaynta Lagu soo Rogay

Akhriso Magacayada Kooxda Alshabaab ee Maantay Cunaqabtaynta Lagu soo Rogay

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay golahaasi.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyey loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doono  xayiraad dhanka socdaalka ah.

Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska UK u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Sadexda nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa kala ah:-

1-Abdukadir Mohamed Abdukadir  oo ah Hogamiye sare oo Al-Shabaab ah.

2- Mohamed  Mire oo Al-shabaab u qaabilsan ururinta Zakada;

3- Mohamed  Cumar Mohamed  oo ahaa Gudoomiyaha kooxda Al-Shabaab ee degmada Diinsoor

Ad
Previous articleBooliska soomaaliya oo xabsiga Dhigay Haweeneydii ku Hanjabtay Inay Xasan Shiikh Dhashiike ku Dilayso
Next articleDeni oo Weerar Afka ah ku Qaaday Qoor Qoor Laftagareen iyo Axmed Madobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here