Home Wararka Maanta Burcad-badeeda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay markab weyn oo laga leeyahay dalka.

Burcad-badeeda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay markab weyn oo laga leeyahay dalka.

0

Hay’adda howlgalada ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingriiska ‘UKMTO’ ayaa sheegtay in kooxo ay gudaha u galeen Markab ganacsi oo marayey meel 420 nautical miles koonfur bari kaga beegan xeebta degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose dhanka barina ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ay soo saartay UKMTO, ayaa lagu sheegay in koox an tiradooda la garanayn oo watay laba doonyo ah ay fuuleen markabka.

Dhanka kalana war-saxaafadeed kooban oo ay soo saareeen howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ku sugan ayey ku xaqiijiyeen digniinta laga soo saaray weerarka looga shakinsan yahay burcad baddeed Soomaali ah ee markabka lagu qaaday.

Sida laga soo xigtay Traffic Marine, markabka ayaa lagu magacaaba BASILISK, waxaa ka dul babanaya calanka dalka Liberia.

Markabka ayaa ka soo safray magaalada dekada leh ee Mindelo oo ku taal waqooyiga jasiiradda São Vicente ee dalka Cape Verde isagoo ku sii jeeday dakadda Jabal Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.

Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ATALANTA ee ku sugan agagaarka ayaa bixiyey jawaabtii ugu horeysay ee digniinta.

Warbixinta EUNAVFOR ATALANTA, ayaa lagu sheegay inay qaadayaan tallaabooyinka ku habboon si ay uga jawaabto si waxtar leh.

Warar ku dhaw kooxaha Burcadbadeeda ayaa sheegaya in shaqaalaha markabka saaran oo gaaraya 17 shaqaale ah ay weli ku xaniban yihiin qolka badbaadada ee markabka iyadoo kooxda burcadbadeeda ay gabi ahaanba la wareegeen qolka howlgalka markabka iyagoo xanibay dhammaan isgaarsiinta markabka.

Ad
Previous articleDeni oo Weerar Afka ah ku Qaaday Qoor Qoor Laftagareen iyo Axmed Madobe
Next articleDagaal Lagu Qaaday Alshabaab oo Saakay Ka Dhacay Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here