Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo agaasimihii PSF ee Bosaaso kula Dagalaamay Xilkisi u magacaabay iyo...

Deni oo agaasimihii PSF ee Bosaaso kula Dagalaamay Xilkisi u magacaabay iyo PSF oo lakala Qaybiyay

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa xil cusub u magacaabay taliyihii ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano.

Jeneraal Maxamuud Diyaano oo mar hore diidmo iyo dagaal kala hor yimid xil ka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Deni ayaa maalmahaan wadahadal kula jiray Madaxweynaha iyo Isimada dhaqanka Puntland.

Sida muuqata xeerka Madaxweyne ee caawa lagu magacaabay Jeneraal Maxamuud Diyaano, waxaa labo loo kala qeybiyey ciidanka PSF-ta Puntland, waxaana loo magacaabay Agaasimaha qeybta kumaandooska amniga Puntland  ee (Puntland Security Commando Forces).

Sidoo kale qeybta gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces) ayuu Deni u magacaabay S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

“Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Ad
Previous articleXiliga uu Dhamaanaayo Howlgalka AMISOM oo la Shaaciyay
Next articleDeg Deg: Russhka iyo Ukrain oo Heshiis Hordhac ah Gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here