Home Wararka Somaliya Puntland Deni iyo Karaash oo Markale Khulaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay Muxuu Salka...

Deni iyo Karaash oo Markale Khulaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay Muxuu Salka Ku Hayaa?

0

-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu kusoo dhamaaday kulan ay xaaladda Laascaanood ka yeesheen Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo deegaanada dhibta ah ka taagan tahay ka soo jeedo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada mas’uul ay isku maandhaafeen sida looga falcelinayo xaaladda magaalada, iyadoo Axmed Karaash la sheegay inuu ka carooday qoraalkii Deni uu ka soo saaray xiisadda magaalada oo u badnaa kuwo baaq loogu dirayo Somaliland, taasoo uu dhibsaday Axmed Karaash.

Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo gobolka Sool ka soo jeeda ayaa isaga tagay Garoowe, kuwaasoo isku uruursanaya duleedka magaalada, waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socda ku biiro madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Deni oo dhaq dhaqaaqa mas’uuliyiintan la socda ayaa isaguna kulan deg deg ah la qaatay wasiirada arrimaha gudaha Juxa iyo Maaliyada Dhabancad iyo taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, isagoo kala hadlay sidii garab istaag dhan kasta ah loogu muijin lahaa dadka Laascaanood.

Si kastaba, todobaadkii labaad ayuu galay rabshadaha ka oogan magaalada Laascaanood, iyadoo dhimashada ay gaartay 10 ruux, halka dhaawucuna uu 30 kor u dhaafayo, ma muuqato qorshe xal u noqon kara xaaladda taagan, waxaana laga cabsi qabaa in dhiigga uu sii daato, hadaan xal deg deg ah la helin.

Ad
Previous articleMadaxwene Xasan Shiikh oo Qalinka Ku Duugay Sharci Cusub oo Dhawaan Ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya
Next articleWeeraryahanka Real Madrid Vinicius Jr oo weerar ku qaaday maamulka La Liga ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here