Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudoomiyihii Hore ee Waxbarashada Gobalka Hiraan oo Caawa la Dilay

Gudoomiyihii Hore ee Waxbarashada Gobalka Hiraan oo Caawa la Dilay

0

Allaha u naxariistee waxaa caawa xaafadda Dhagaxjebis ee magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiyihii hore ee waxbarashada maamulka gobolka Hiiraan Cusmaan Caato.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen rag bastoolado nku hubeeysan oo goobta ka baxsaday

Ciidamada ammaanka Magaalada Baladwayne ayaa wada howlgallo lagu baacsanayo raggii fuliyey dilka marxuumka inkastoo aysan illaa hadda ku guuleysan.

Lama moga sababta loo dilay ninkan, waxayna dhacdadan ku soo beegmeysaa xili dhowaan ay ka dhaceen Magaalada Baladweyne qaraxyo lagu hoobtay oo dad badan ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.

Ad
Previous articleMaxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa diiday waqti 2 todobaad ah oo uu dalbaday maanta Garyaqaanka guud ee Dawladda.
Next articleDeg Deg: Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo Beri Muqdisho imanaaya iyo Kuraas loo Fasaxay Koonfurgalbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here