Home Wararka Somaliya Puntland Deg Deg: Taliyihii Saldhiga Degmada Qardho oo La Dilay

Deg Deg: Taliyihii Saldhiga Degmada Qardho oo La Dilay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka loo geystay AUN taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Cumar Hiiraad Kaatuun.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dishay koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka.

Faah faahin dheeraad ah ma bixin guddoomiyuhu, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ragga ku eedeysan dilka taliyaha lasoo qabtay, halka kuwa kelana ay weli ku raadjoogaan ciidamada ammaanka Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaainay goobta gaareen, kadibna ay saameeyeen baaritaano dheeraad ah oo la xiriira dilka taliyahooda.

Xaaladda deggan, waxaana la filayaa in maamulka degmada uu ka warbixiyey dhacdadaas, gaar ahaan dilka loo geystay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho.

Inta badan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo ku sugan magaalooyinka maamulkaasi.

Ad
Previous articleDiyaarada Ka Kacday Muqdisho oo loo Diiday jnay Ka Degto Gobalka Gedo iyo Sababta oo la Shaaciyay
Next articleKenya oo duqay Culus ka Gaystay Gobalka Gedo iyo Dad Shacab ah oo ku Waxyeeloobay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here