Home Wararka Maanta Deg deg: Soomaaliya oo lasafatay Ukrain Cambaaraysayna weerarka Ruushka

Deg deg: Soomaaliya oo lasafatay Ukrain Cambaaraysayna weerarka Ruushka

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid noqday 141 waddan oo ka tirsan dunida oo u codeeyey qaraar cambaaraynaya duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Cod-bixinta ayaa maanta dhacday xilli uu kulan khaas ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee qaraarkaasi taageeray waxaa ka mid ah Mareykanka, dalalka ku bahoobay ururka Midowga Yurub iyo kuwo kale oo ka tirsan qaaradda Asia.

Qaraarka waxaa ka soo horjeestay shan waddan oo kala ah Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus. Sidoo kale waxaa ka aamusaya 35 waddan.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka milatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaas, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii codka qayaxan ee veto saartay qaraar kan lamid ah oo la horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa socda mudo hal todobaad ah, welina Ruushku ma gaarin hadafkiisa ah inuu afgembiyo dowladda Ukraine, bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxaa lagu soo bandhigay tirada askarta looga dilay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka ka socda Ukraine.

Ad
Previous articleDeg Deg: Ruushka oo Shaaciyay Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee kasoo Gaaray Dagaalka Wali Kasocda Ukrain
Next articleDeg Deg: Weerar lagu Qaaday Saldhiga Booliska Degmada Guriceel iyo Maxaabiis lagala Baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here