Home Wararka Maanta DEG DEG: Shiinaha oo qaaday tallaabadii militeri ee ay Taiwan ka walwalaysay.

DEG DEG: Shiinaha oo qaaday tallaabadii militeri ee ay Taiwan ka walwalaysay.

0

Shiinaha ayaa sheegay inuu “howlgal millateri” ka bilaabay aagga jasiiradda Taiwan.

Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha,Lijian Zhao, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweeterka ku sheegay in ciidanka xoreynta shacabka ee PLA ay howlgal millateri oo wadajir ah ka bilaabeen agagaarka jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan.

Shiinaha ayaa sheegta in Taiwan ay ka tirsantahay dhul-weynaheeda.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii ay halkaasi booqasho ku tagtay,gudoomiyaha Golaha Wakiillada ee Koongarees-ka Mareykanka, Nancy Pelosi.

Shiinaha ayaa hore uga digay safarka Pelosi.

 

 

Ad
Previous articleNin si mucjiso ah uga badbaaday doon ku qallibantay Bad-weynta
Next articleQaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 9.5 milyan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here