Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 9.5 milyan

Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 9.5 milyan

0
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa bixisay 9.5 milyan oo dollar si gargaar bini’aadinimo oo deg deg ah loo gaarsiiyo bulshada ku nool meelaha macaluusha ay ka jirto ee gudaha Soomaaliya.
Adam Abdelmoula, ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in khatarta macluusha Soomaaliya iyo dadka ku barakacaya ay aad kor ugu kacday.
“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay masiibo bini’aadantinimo, haddana maalgelinta loo baahan yahay si wax looga qabto baahiyaha sida xawliga ah u koraya ayaa weli ah mid aan ku filnayn si looga hortago macluusha,” ayuu yidhi Adam Abdelmoula.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, khatarta macluusha ee Soomaaliya ayaa sii korodhay ka dib xilli roobaadkii afraad oo hoos u dhacay.
Waxay sheegtay in xaaladaha abaareed ee sii kordhaya ay saameeyeen in ka badan 7 milyan oo qof ayna barakiciyeen in ka badan 900,000 oo qof oo kale oo guryahooda ka barakacay iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.
Ad
Previous articleDEG DEG: Shiinaha oo qaaday tallaabadii militeri ee ay Taiwan ka walwalaysay.
Next articleGolaha Xiriirka Maraykanka-Islaamka oo dhaleeceeyay dadaalada Maraykanka ee macluusha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here