Nin si mucjiso ah uga badbaaday doon ku qallibantay Bad-weynta

Nin 62 jir ah oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa badda gudaheeda ku badbaaday 16 saacadood kaddib markii doon uu saarnaa ay qallibantay.

Waxa uu muddadaas isticmaalayay warqado hawada ka gudbayso oo uu ku neefsanayay.

Doonta oo dhirirkeedu ahaa  12 mitir, kana soo shiraacatay magaalada Lisbon ee dalka Portugal, ayaa astaamaha qaylo dhaanta dirtay maqribnimadii Isiniinta, xilli ay ku jirtay Badweynta Atlantic.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Spain ayaa helay doonta oo dhinaca kale u gaddoontay, balse badda oo aad u kacsanayd awgeed lama badbaadin karin ninka dhibbanaa – sidaas awgeedna waxa uu ku khasbanaa in uu sugo ilaa uu waagu ka baryo.