Home Wararka Maanta Deg Deg Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo NISA si Kulul u eedeeyay...

Deg Deg Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo NISA si Kulul u eedeeyay Rooblana udiray Fariin adag

0

Madaxwaynihii Hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Raisul Wasaare Rooble iyo Golahiisa Wasiirada faray in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran.

Sidaas daraadeed axaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagu soo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka”.

Ad
Previous articleSenatar Muuse Suudi Yalaxow oo weerar afka ah ku Qaaday Farmaajo
Next articleLaftagareen oo Xayiraad Kusoo Rogay Xildhibaanadii laga Soo Doortay Koonfurgalbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here