Home Wararka Somaliya Puntland Deg Deg Qarax Qasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Bosaaso

Deg Deg Qarax Qasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Bosaaso

0

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyooday qarax daqiiqado ka hor ka dhacay meherad ama marfish lagu qayilo oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Saraakiisha Laamaha kala duwan ee Amniga ayaa xaqiijiyay khasaaraha waxayna sheegeen in ay dib ka faahfaahin doonaan dhacdadaas ayna socdaan baaritaano.

Sidoo kale, dad ku dhaawacmay qaraxan ayaa goor dhoweyd la gaarsiiyey goobaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso.

Warar kala duwan ayaa ka soop baxaya sida uu qaraxaas u dhacay, kuwaasoo qaarkood sheegayaan in goobtaas lagu tuuray bam gacmeed, halka warar kalena tilmaamayaan inuu ahaa qarax goobta lagu diyaariyey.

Magaalada Boosaaso oo dhowaan ay ka dhaceen dagaalo culus ayaa maalmahan waxaa ku soo badanayey falal amni daro oo inta badan au geysyaan kooxo hubeysan.

Ad
Previous articleWasiirka Arimaha Dibada Soomaaliland oo kulan laqaataty Madaxwaynaha Dalka Taywan (Sawiro)
Next articleCabdiraxmaan Cabdishakuur oo Si wayn loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here