Home Wararka Somaliya Galmudug Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Si wayn loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb(Sawiro)

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Si wayn loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb(Sawiro)

0

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaannada DF iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiil, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

“Waxaan galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa wasiirrada, xildhibaannada heer Federaal iyo dowlad goboleed, masuuliyiinta degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee sida miisaanka iyo milgaha leh ii soo dhoweeyey” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka waramay ujeedada safarka uu ku tagay magaalada Dhuusamareeb.

“Waxaan u tartamayaa mid ka mid kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Waxaan rajaynayaa doorasho hufnaan iyo  daahfurnaan leh” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Ad
Previous articleDeg Deg Qarax Qasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Bosaaso
Next articleDowlada Uganda oo Danbi ay ka Gashay jamhuuriyada Kongo DRC 1990 looga Xukumay Maantay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here