Home Wararka Somaliya Somaliland Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliland oo kulan laqaataty Madaxwaynaha Dalka Taywan (Sawiro)

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliland oo kulan laqaataty Madaxwaynaha Dalka Taywan (Sawiro)

0

Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd ayaa maanta magaalada Taipei kula kulmay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Ciise Kayd ayaa sheegay in booqashadiisa ay muujineyso go’aanka iyo adkeysiga aan wadaagno ee aan ku ballaarineyno kuna dheereyneyo saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dhinac.

Taiwan iyo Somaliland-ba aqoonsi kama haystaan QM, balse Ciise Kayd wuxuu sheegay in taasi aanay meesha ka saareyn xuquuqda ay Somaliland u leedahay inay hesho siyaasad arrimo dibadadeed oo madax-banaan.

Madaxweyne Tsai ayaa ku tilmaantay xiriirka mid ka mid ah guulihii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee maamulkeeda.

Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’aday 1991-kii ayaan wax xiriir diblomaasiyadeed ah la laheyn dal kale.

Taiwan oo si iskeed ah isku maamusha, balse China ay sheegtao inay ka mid tahay, ayaa xiriir diblomaasi la leh 14 dal, balse waxay xiriiro aan toos aheyn oo xooggan la leedahay Mareykanka iyo inta badan dalalka caalamka.

Waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya hal dal oo African ah oo ah boqortooyada Eswatini, oo horey loogu yaqiin magaca Swaziland.

Taiwan ayaa safaarad ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa bishii August 2020, halka Somaliland ay xafiis matalaad ka furatay Taipei 9-kii September ee isla sanadkaas.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble oo Arimo Muhiim ah Kala Hadlay Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.
Next articleDeg Deg Qarax Qasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Bosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here