Home Wararka Maanta Deg deg: Madaxweyne Xasan shiikh oo Ku Dhawaaqay Raysulwasaare Una Magacaabay…..

Deg deg: Madaxweyne Xasan shiikh oo Ku Dhawaaqay Raysulwasaare Una Magacaabay…..

0

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Ilo-wareedyada la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, wuxuuna ahaa xildhibaankii ugu horreeyey golaha shacabka ee lagu soo doortay Jubaland, 28-kii December 2021.

 

 

Ad
Previous articleXildhibaan Ka Tirsan oo Baarlamaanka Soomaaliya oo Golaha Ka Horsheegtay kn Soomaaliland Dal Madaxbanaan Tahay
Next articleWaa kuma Xamsa Cabdi, Ra’iisal wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here