Home Wararka Somaliya DEG DEG Madaxweyne Cali Mahadi oo geeriyooday

DEG DEG Madaxweyne Cali Mahadi oo geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaal magaalada Nairobi ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Geerida Cali Mahdi ayaa waxaa xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cali Mahdi uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, arrimo caafimaadna uu u tagay magaalada Nairobi maalmo  ka hor, halkaasoo uu caawa ku geeriyooday.

TAARIIKH NOLOLEEDKA CALI MAHDI OO KOOBAN;
Cali Mahdi Maxamed wuxuu ku dhashay tuulada cadow-uul oo ka tirsan shabeelada dhexe sanadku markuu ahaa 1938.

Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuulaadkii Xamar ka jiray. Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira u aaday waxbarasho . Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu dhalinyaraa ee xubin ka noqda baarlamaanka Soomaliyeed.

Kadib markii uu dhacay inqilaabkii Dawladda shicibka aheyd ee wadanka la wareegay Xooga Dalka Somaliyeed, Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud.

Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi.

Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waaweeyn ee wadanka soomaliyeed.

Sanadahii 80’s Cali Mahdi iyo aqoonyahaano Soomaliyeed aya waxaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee markaas Maxamed Siyaad Barre.

Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad Barre, sanadka markuu ahaa 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo eey isaga hor yimaadeen qeybo raacsan Maxamed Farax Caydiid kaasoo diidanaa madaxweynenimada Cali Mahdi iyo kuwo difaacay Cali Mahdi.

Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.

Marxuum Cali Mahdi ayaa ku dhintay da’ada 92-sano.

Ad
Previous articleGudoomiye Ku xigeenka Yaaqshiid oo Qarax lala Eegtay
Next articleAkhriso Taariikh nololeedka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here