Home Wararka Maanta Deg Deg: Dowlada Soomaaliya oo Heshiis Cusub la Saxiixatay Dowlada eriteeriya

Deg Deg: Dowlada Soomaaliya oo Heshiis Cusub la Saxiixatay Dowlada eriteeriya

0

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday Is afgarad ka kooban 7 Qodob, ka hor intii uusan dib ugu laaban Xassan Sheekh magaalada Muqdisho ee caasumada.

Qodobadan ayaa horey u aha kuwii uu saxiixay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Max’ed Farmaajo.

1. Dhiirigelinta Xariirka walaalnimo ee labada shacab ee Eritrea iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan bulshada Qurba-joogta.

2. Adkaynta iskaashiga siyaasadeed, midka diblomaasiyadeed si horay loogu wado maslaxada labada wadan ee Eritrea iyo Soomaaliya.

3. Balaarinta Iskaashiga Dhaqan Dhaqaale ee labada dal, iyadoo si gaar awood loo saarayo ganacsiga, Maalgashiga, Amniga biyaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

4. Isdhaxgalka iskaashiga Farshaxanka, Ciyaaraha, dhaqanka, teknoolijaga iyo Saynis-ka.

5. Iskaashoga lagu ilaalinayo Bey’adda iyo xallinta dhibaatooyinka ka dhasha Isbedelka Cimilada.

6. Sare u qaadida iskaashiga Difaaca iyo Nabadgelyada si Nabadda iyo xasiloonida loo ilaaliyo.

7. In laga wada shaqeeyo xariir-wanaagsan iskaashi iyo isku furnaanta dhaqaale ee Geeska Africa.

Ad
Previous articleBosaaso oo Qarka u Saaran in markale Dagaal Martigaliso iyo Xiisada oo Cirka iskusii Shareertay
Next articleCiidamada NISA oo Howlgal Culus ka sameeyay Muqdisho (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here