Home Wararka Maanta Danab oo Weerar Ku Qaaday Goob ay Alshabaab ku Sugnaayeen(Sawiro)

Danab oo Weerar Ku Qaaday Goob ay Alshabaab ku Sugnaayeen(Sawiro)

0

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayo Al Shabaab ka sameeyey deegaanka Ceel Cali gasle oo dhanka waqooyi ka xiga deegaanka ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidankan huwanta ah ayaa cagta mariyay goobo la sheegay in ay gabaad ka dhiganayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaan oo ay ku dhibaateyn jireen dadka Shacabka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ay burburiyeen saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaas, ayna ku raadjoogaan firxadka kooxdaasi.

Ciidamada dowladda ayaa howlgalo gaar ah kawada deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ,halkaas ay wali joogaan xubno katirsan Al Shabaab oo horey looga saaray deegaanno ay joogeen.

Ad
Previous articleSenator Fartaag oo gaaray Gobalka Dagaalna iclaamiyay Gedo(Sawirro)
Next articleJeneraal Burhaan oo wacad ku maray in uusan la fadhiisan doonin Jeneraal Xamdaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here