Home Wararka Somaliya Jubbaland Senator Fartaag oo gaaray Gobalka Dagaalna iclaamiyay Gedo(Sawirro)

Senator Fartaag oo gaaray Gobalka Dagaalna iclaamiyay Gedo(Sawirro)

0

Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaciil Fartaag oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa Maanta Booqasho ku tegay degmooyinka Baardheere iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Waxaa labada degmo ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan heer degmo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada DF ee ku sugan degmooyinkaas.

Fartaag oo ku hormaray degmada Dolow ayaa la kulmay Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen, Xubno ka tirsan maamulka Dolow iyo Saraakiisha Ciidamada ku sugan degmadaas.

Sidoo kale, Senator Fartaag ayaa markii uu tagay Baardheere kormeeray Xerada ay ku jiraan Ciidamada dowlada ee tababarka uga socdo halkaas.

Waxaa uu sheegay in socdaalkiisa la xiriiro u diyaar garowga wejiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka qeybo ka mid ah.

Saraakiisha ciidamada ku sugan labada degmo ee Doolow iyo Baardheere ayuu ugu baaqay iney u diyaar garoobaan kan qeyb qaadashada dagaalka dalka looga sifeynayo Al-shabaab ee dhowaan ka bilaabanaya gobolka Gedo.

Ad
Previous articleCabdixaafid Maxamed: Waa kuma wiilka guusha soo hooyay balse laga reebay Xulka Qaranka Soomaaliya?
Next articleDanab oo Weerar Ku Qaaday Goob ay Alshabaab ku Sugnaayeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here