Home Wararka Maanta Jeneraal Burhaan oo wacad ku maray in uusan la fadhiisan doonin Jeneraal...

Jeneraal Burhaan oo wacad ku maray in uusan la fadhiisan doonin Jeneraal Xamdaan

0

Madaxa Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo Wareysi Khaas ah shalay oo Jimco ahayd siiyey Telefishinka Al-Hurra ayaa sheegay inuusan aqbalo doonin inuu la fariisto Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega “The Rapid Support Forces (RSF), Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo “Hemetti”.

Al-Burhan waxa uu xusay inuusan la kulmi doonin Jeneral Daglo oo uu ku eedeeyey inuu yahay Hoggaamiye Xisbi Mucaarad oo ku kacsan Dowladda Sudan.

Labada Hoggaamiye ayaa la qorsheynayaa inay yeeshaan Kulan Toos ah oo ay kaga wada hadlaan Dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Khartoum iyo magaallooyin kale.

Waraysiga uu Jeneral Al-Burhan shalay siiyey Telefishinka Al-Hurra TV waxa uu ku sharxay inuu horey ugu sheegay Jeneral Daglo haddii Khilaafkooda yahay mid Shaqsiyadeed inay labadoodaba ka degaan Xilka ay ka hayaan Golaha Milliteriga haya Talada dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Jeneral Daglo gaashaanka ku dhuftay Codsiga inay labadooda ka degaan xilka ay hayaan.

Hadalka Jeneral Al-Burhan ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay socdaan Dhaqdhaqaaqyo Diblomaasiyadeed oo ay garwadeen ka yihiin Dowladaha Sacuudiga iyo Maraykanka si xal loogu helo Colaada dalkaasi, waxaa hirgashay Xabbad-Joojin ay labada dhinac ku xadgudbeen.

Dhanka kale, dowladaha South Sudan, Ethiopia iyo Turkiye ayaa wada dadaal xal loogu helayo Colaadda u dhexeysa Labada Jeneral ee kala hoggaamiya Milliteriga Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye,
Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay inay Turkiye iyo Ethiopia at si wadajir ah u bilaabi doonaa Hawl Dhexdhexaadin, si xal loogu helo Colaada dalka Sudan.

Wasiirka oo maanta Wareysi Toos ah (a live interview) siiyey Telefishinka TRT Haber waxa uu bogaadiyey dadaalka RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali ee uu ugu ololeynayo xal-u-helista Dagaalka Sudan.

Wasiirka waxa kale oo uu tilmaamay in Wafdi uu horkacayo Ku-xigeenkiisa, Burak Akçaparay isbuuca soo socda booqan doonaan dalka Sudan, si Xal Waara (a permanent solution) loogu heli lahaa Colaadaha weli ka socda dalkaasi.

Ad
Previous articleDanab oo Weerar Ku Qaaday Goob ay Alshabaab ku Sugnaayeen(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo Kusoo Laabtay Degmooyin laga Saaray ee Ka Tirsan Shabeelada Dhexe iyo Cabsi laso Daristay Shacab ku Dhaqan Aagaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here