Home Wararka Maanta Dal Muslim ah oo Haweeneey u Magacaabay Garsoore Maxkamad Sare

Dal Muslim ah oo Haweeneey u Magacaabay Garsoore Maxkamad Sare

0

Caa’isha Mailk oo 55 jir ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo muslim ah oo garsoore ka noqota maxkamadda ugu sareysa  dalka Pakistan, waxaana sheekada  haweeneydan si weyn u hadal heysa warbaahinta caalamka.

Haweeneydan ayaa ku biireysa 16-garsoore kale oo dhammaantood rag ah, waxaana Caa’isha Mailk noqoneysaa haweeneydii ugu horeesay oo loo dhaariyo in garsoore ka noqoto maxkamadda sare ee dalka Pakistan.

Qareenada u dooda arrimaha bulshada ayaa sheegay in dadaalkooda socday mudo ka badan 10-sano uu guul kusoo dhamaaday, waxa ayna sheegeen in guul taariikhi ah in haweeney kamid noqoto garsoorayaasha maxkamada ugu sareysa Pakistan.

Ad
Previous articlePuntland oo Shaacisay Jadwalka 4kursi oo Dhawan La Qaban Doono
Next articleDoorashada kuraasta Soomaaliland oo Muqdisho ka Bilaabatay Xili Khilaaf Xoogan Ka dhex jiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here