Home Wararka Caalamka Dal Muslim ah oo Haweeneey u Magacaabay Garsoore Maxkamad Sare

Dal Muslim ah oo Haweeneey u Magacaabay Garsoore Maxkamad Sare

0

Caa’isha Mailk oo 55 jir ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo muslim ah oo garsoore ka noqota maxkamadda ugu sareysa  dalka Pakistan, waxaana sheekada  haweeneydan si weyn u hadal heysa warbaahinta caalamka.

Haweeneydan ayaa ku biireysa 16-garsoore kale oo dhammaantood rag ah, waxaana Caa’isha Mailk noqoneysaa haweeneydii ugu horeesay oo loo dhaariyo in garsoore ka noqoto maxkamadda sare ee dalka Pakistan.

Qareenada u dooda arrimaha bulshada ayaa sheegay in dadaalkooda socday mudo ka badan 10-sano uu guul kusoo dhamaaday, waxa ayna sheegeen in guul taariikhi ah in haweeney kamid noqoto garsoorayaasha maxkamada ugu sareysa Pakistan.

Ad