Home Wararka Caalamka Dal ku yaal Afrika oo markii ugu horreysay gaas u dhoofineysa Yurub

Dal ku yaal Afrika oo markii ugu horreysay gaas u dhoofineysa Yurub

0

Dalka Mozambique ayaa bilaabay in markii ugu horreysay uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub, madaxweynaha dalkaas Felipe Nyusi ayaa ku timaamaytallaabo taariikhi ah.

Waxaa gaaskan oo saartay warshad ay maamusho shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo lagu magacaabo Eni balse shirkadda weyn ee shidaalka ee British BP ayaa ku guuleystay xuquuqda iibsiga gaaskan.

Gaaskan ayaa waxaa lagu qaaday Markab xamuulka qaada oo laga leeyahay Britain kaasoo ku wajahan Yurub balse lama ogo halka si rasmi ah loo geynayo.

Mozambique ayaa ku rajo weyn inay kamid noqoto dalalka adduunka ugu horreeyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shidaal laga helay gobolka Cabo Delgabo sanadkii 2010-kii.

Ad
Previous articleQalab militari oo uu Turkiga muddo ka codsanayay Mareykanka oo uu hadda sameystay
Next articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo taliye cusub u magacaabay ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here