Home Wararka Maanta Dal dadkiisa ay labo waqti oo kala duwan ku kala waabariisteen

Dal dadkiisa ay labo waqti oo kala duwan ku kala waabariisteen

0

Dadka ku nool waddanka Lubnaan ayaa ku soo toosay laba waqti oo kala duwan, xilli uu taaganyahay khilaaf u dhaxeeya mas’uuliyiinta siyaasadda iyo kuwa diinta, khilaafkaas oo ku aaddan xilliga la baddelayo waqtiga saacadda.

Ra’iisul wasaaraha ku meel-gaarka ah ee dalkaasi, Najiib Miiqaati, ayaa ku dhawaaqay in waqtiga maalintii ay dheeraanayso uu bilaaban doono markii ay dhammaato bisha Soon-qaad taas oo ku aaddan bisha soo socota, si Muslimiinta ay xilli hore ugu afuraan.

Hasayeeshee mas’uuliyiinta Kirishtaanka ayaa sheegay in saacadda ay baddeli doonaan Axadda ugu dambaysa bisha Maarso, taas oo caadiyan dhacda inta badan sanadaha.

Ganacsiyo badan ayaa dhabbahaas qaaday.

Muranka taagan wuxuu bannaanka soo dhigay kala qeybsanaanta baahsan ee ka taagan dalkaasi, halkaas oo dhinacyada Muslimiinta iyo Kirishtaanka uu dagaal sokeeye ku dhexmaray dabayaaqadii 1970-meedayii iyo 1980-meeyadii, iyadoo dalkaas xilalka siyaasadda ay wadaagaan kooxaha haysta diimaha kala duwan.

Khamiistii Mr Miiqaati, oo ah Muslim Sunni ah, ayaa ku dhawaaqay go’aanka dib loogu dhigayo waqtiga maalintii ay dheeraan doonto taas oo uu ka dhigay 20-ka Abriil.

Ma uusan sheegin sababta uu tallaabadaas u qaatay, hasayeeshee dad badan oo kamid ah kuwa falanqeeya arrimaha dalkaasi ayaa go’aankaas u arka inuu yahay qaab uu ku doonayo inuu sumcaddiisa kor ugu soo qaado bisha Ramadaan, oo ah bil barakaysan oo ay Muslimiintu soomaan, waxaana ay bishaasi bilaabatay 23 Maarso iyadoo la filayo inay dhammaato 21 Abriil.

Haddii waqtiga aanan la baddelin, Muslimiinta ayey u suuragalaysaa in afurkooda uu hal saac soo hormaro, oo ay afuraan 6:00-da Makhribnimo halkii ay afuri lahaayeen 7:00-da fiidnimo, markaas oo ah waqtiga ay qorraxda u dhacayso dalkaas.

Hasayeeshee Kaniisadda Kirishtaanka ee Maronite ee saamaynta badan leh ee Lubnaan ayaa sheegtay in go’aankaas uusan oollin, iyadoo ku tilmaantay “mid layaab leh”.

Dhowr hay’adood oo waa wayn oo Lubnaan laga leeyahay ayaa sidoo kale go’aansaday inay go’aankaas iska diidaan. Labada warbaahin ee LBCI iyo MTV ayaa saacadda ku daray arooryadii hore ee Axadda.

Shirkadda diyaaradaha qaranka ee Middle East Airlines, ayaa go’aansatay in meel dhexe ay ku shaqayso. Waxa ay sheegtay in saacadda ay ku sii shaqeyn doonto sidii ay aheyd waqtiga qaboobaha, balse ay badeli doonto waqtiga duullimaadyada si ay uga digtoonaato in khalkhal uu ku yimaado xilliyada duullimaadyada caalamiga ah.

Lubnaan oo ah dal ay dadkiisu aad wax u barteen, ganacsigana ku fiican, wuxuu xarun ganacsi oo muhiim ah u ahaa Bariga Dhexe.

Mar walbana wuxuu udub-dhexaad u ahaa isku dhacyada Bariga Dhexe, inkatsoo uu yahay dal yar haddana wuxuu muhiim u noqday sababo la xiriira xudduudaha uu la leeyahay Suuriya iyo Israa’iil iyo isku dhafnaanta bulshadiisa.

Muslimiinta Shiicada ah, kuwa Sunniga ah, Kirishtaanka iyo kuwa Druze waa bulshooyinka ugu badan ee dalkaas.

Xaqiiqooyin ku saabsan Lubnaan

Caasimadda: Beyruut

Baaxad: 10,452 sq km

Bulshada: 5.2 milyan

Luqadaha: Carabi, Faransiis

Hoggaanka

Haatan booska madaxweynaha dalkaasi waa uu bannaan yahay. Kaddib markii Michel Aoun uu ka tegay xilkaas madaxtinnimada sanadkii hore, raysal wasaare Najiib Miiqaati ayaa sheegay inuusan soo celineyn awoodda madaxtinnimada, maaddaama loo xilsaarayo gole ka kooban wasiirro, sida uu qabo dastuurka dalkaasna, ma oggola madaxweyne ku meel gaar ah.

Najiib Miiqaati, oo ah ninka ugu taajirsan Lubnaan, ayaa mar kale hoggaanka qabtay bishii September 2021, isagoo horena labo jeer usoo noqday raysal wasaare.

Magacaabiddiisa ayaa soo afjartay bilooyin xagardaac siyaasadeed, iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayay dhaqaale xumo iyo ku dhowaad labo sano oo ay socdeen dibabaxyo lagu dlabanayo isbeddel siyaasadeed.

Lubnaan ayaa madaxweyne la’aan ahayd tan iyo markii uu is casilay Xasan Diyaab kaddib qarax wyen oo burburiyay dekadda Bayruut iyo deegaannada ku hareereysan bishii August 2020.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo War kasoo saartay Dagaal Culus oo Maantay Ka dhacay Laasacanood
Next articleDil argagax lahaa oo ka dhacay Goob uu maanta ku sugnaa Madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here