Home Wararka Maanta Dagaalka itobiya ka socda oo khadka Tareenada ee Jabuuti iyo itoobiya

Dagaalka itobiya ka socda oo khadka Tareenada ee Jabuuti iyo itoobiya

0

Wararka saaka laga helayo gudaha Ethiopia ayaa sheegaya inuu hakaday isu socodka jidka tareenkanka ee Djibouti iyo Ethiopia, kadib markii ay jabhadda Tigreega iyo Canfarta oo is Garabsanaya ay ku dhawaadeen jidkaasi oo dagaallo culus ay ka wadeen deegaanno aad ugu dhaw jidka.

Ma jiro war kasoo baxay dawladda Federaalka Ethiopia oo ku saabsan sheegashada TPLF ee ah in ay jareen qaybo ka mid ah jidka tareenka.

Jidkan muhiimka ah ee dhaqdhaqaaqiisa la sheegay inuu hakaday waxaa mara 90% badeecadaha ay dhoofiso Ethiopia iyo shixnadaha ay kala soo degto Djibout.

Warbaahinta itoobiya ayaa saaka si weyn uga hadlaysa Dagaalada aan dhamaadka laheen ee ka Socda Wadanka Itoobiya waxaana La.soo Bandhigay Sawirada gaadiid Gubtay islamarkaana Muujinaya Khasaaraha dhabta ah.

Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya oo Gacanta ku soo dhigay dad lagu soo Eedeeyay Kufsi
Next articleGuddiga Doorashada Galmudug oo la wareegay agabka loogu tala galay doorashada oo uu ku jiro sanduuqa cod bixinta (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here