Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaalka Guriceel oo Qaboobay iyo Ahlu-suna oo Hal qeyb Magalada uga hartay

Dagaalka Guriceel oo Qaboobay iyo Ahlu-suna oo Hal qeyb Magalada uga hartay

0

Xaalada Magaalada Guriceel ayaa Maanta mar kale ah Mid Cakiran kadib Dagaalada ka socday oo galay Maalinta Saddexaad.

Wararka Ugu Danbeeyay ee mudug24 ka Heleyso goobaha Dagaalka ayaa Sheegaya in Ahlusunna laga saaray Badi Magaalada isla Markana Ciidanka Dowlada ay isku Fidiyeen.

Ahlu-suna ayaa Hada Magaalada Kaga Sugan Halka Loo yaqaano Jaamacadaha gar ahaan Saldhiga Halkaasi ku yaalla waxana Dagaalka uu yahay mid askari badan oo labada dhinac ay ku dhamaadeen.

Ahlu-suna ayaana sida Rasmiga ah wali is dhiibin lakin Sida Xaalka ku socdo waxay u badantahay in Magaalada Koox u Haridoonto saacadaha soo socda hadii uusan Gurmad u imaan dhinacyada.

Qeybaha kale ee Magaalada Mararka qaar waxaa ku soo dhacaya madaafiic ay isticmaalayaan dhinacyada Dagaalamaya.

Mudug24 Guriceel

Ad
Previous articleMuqdisho oo lagu qabtay Banaan-baxyo looga soo horjeedo Dagaalka Guriceel
Next articleCiidanka Ahlu-suna oo laga saari layahay Xaruunta Jaamacada ee Magaalada Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here