Home Wararka Somaliya Muqdisho oo lagu qabtay Banaan-baxyo looga soo horjeedo Dagaalka Guriceel

Muqdisho oo lagu qabtay Banaan-baxyo looga soo horjeedo Dagaalka Guriceel

0

Banaanbax looga soo horjeedo dagaalka khasaaraha badan geystay ee u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna ee  ka socda Guriceel ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dad u badan Haween ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee degmada , iyaga oo wadada ku gubay taayaro iyo qashin, taas oo keentay in isku socorka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan uu istaago.

Bannaabaxayaash ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay uga soo horjeedaan dagaalka degmada Gueiceel, waxaana kamid ahaa, Qoor Qoor iyo Farmaajo doonimeyno, dhiig Sokeeye doonimeyno iyo Erayo kale.

Qaar kamid ah bannaan baxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ibay dagaalka hurinayaan.

Waxaa ay si cad u sheegeen in marnaba ogolaaneyn in lagu sii dagaalamo degmada Guriceel, waxaana qaar kood sheegeen inay garab taagan yihiin hoggaanka Ahlusunna ee dagaalka kula jira Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna waxaa uu ka dhacay degmada Guriceel, kaas oo geystay khasaaro farabadan.

Ad
Previous articleWararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel ee Saaka iyo Rasaas La Maqlayo Wali
Next articleDagaalka Guriceel oo Qaboobay iyo Ahlu-suna oo Hal qeyb Magalada uga hartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here