Home Wararka Maanta Dagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Taalibaan iyo kuwa IIraan.

Dagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Taalibaan iyo kuwa IIraan.

0

Ciidamada Taalibaan ee dalka Afgaanistaan iyo ciidamada ilaalada xadka Iran ee ku sugan xadka ayaa waxaa dhex maray dagaal xooggan.

Dowladda Afgaanistaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah saraakiisheeda lagu dilay dagaalka oo maanta oo Axad ah ka dhacay xadka u dhaxeeya gobolka Nimroz ee dalka Afghanistan iyo gobolka Hirmand ee dalka Iran.

Waddan kastaa kan kale ayuu ku eedeeyay dhacdadaas.

Dhowr iska horimaad ayaa ka dhacay xadka tan iyo markii dagaalyahanada Taliban ay qabsadeen Afgaanistaan sanad ka hor.

Iran ma aqoonsana xukuumadda Taalibaan ee Kabul. Xaaladihii saxda ahaa ee iska horimaadkii u dambeeyayna ma cadda.

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo bilaabay olole siyaasadeed cusub
Next articleCali Guudlaawe oo magacaabay Gole Wasiiro oo Tiradooda Horay lo arag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here