Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo magacaabay Gole Wasiiro oo Tiradooda Horay lo arag

Cali Guudlaawe oo magacaabay Gole Wasiiro oo Tiradooda Horay lo arag

0

maamul goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa ugu dambeyn magacaabay golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee maamulkiisa uu yeesho tan iyo markii xilkaas uu qabtay.

Cali Guudlaawe ayaa laga sugayey golaha wasiirada muddo laba sano ku dhow oo uu xilka hayo, ayada oo maamulkiisa inta badan uu muddadaas dhexda uga jiray xiisad siyaasadeed.

Golaha wasiirada HirShabeelle oo la shaaciyey saqdii dhexe ee xalay ayaa guud ahaan ka kooban 80 wasiir, wasiir ku-xigeen iyo wasiiru dowlayalaa. Waa 27 Wasiir, 26 wasiiru-dowle iyo 27 wasiir ku-xigeen.

HirShabeelle ayaa noqotay maamulka ugu badan tirada wasiirada oo xitaa la filayo inay ka sare marto xukuumadda federaalka, waana maamulkii ugu horeeyay ee wasaarad kasta u sameeya wasiiru-dowle.

Ad
Previous articleDagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Taalibaan iyo kuwa IIraan.
Next articleDeni Oo Qaaday Talaabo Xal U Noqoneyso Khilaafka Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here