Home Wararka Maanta Dagaal geestay Khasaaro oo ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Mudug

Dagaal geestay Khasaaro oo ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Mudug

0

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed  ayaa waxaa uu ka dhacay miyiga degaanka Dhagtuur oo120km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo kufsi loo geystay Gabar yar kadib markii xalay lagala baxay Gurigeeda, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xiisad ka dhalatay Gabadha la kufsaday iyo dagaalka dhacay ay Maanta ka taagan tahay degaanka lagu dagaalamay ee Miyiga degaanka Dhagtuur ee Gobolka Mudug.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa kusoo batay sanadihii la soo dhaafay colaad beeleedyada, iyada oo Maamulka Galmudug uu ku guuldareystay waxka qabashada dagaal beeleedyadaas.

Ad
Previous articleDalalka Faransiiska iyo Ingariiska oo ka hadlay Khilaafka ka jira Dhexdooda
Next articleCiidamo gadoodsan oo xirtay Wadada u dhaxeya Garoowe iyo Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here