Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dagaal Culus oo ka Socda Tuulo u Dhow Degmada aadan yabaal iyo...

Dagaal Culus oo ka Socda Tuulo u Dhow Degmada aadan yabaal iyo Alshabaab oo Hub Looga Furtay

0

Ciidamada xoogga oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo kooxda Alshaabaab ayuu dagaal xooggan ku dhex marayaa tuulooyinka Warta-Dibi-Samatar iyo Boos-Caduur oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

Tiro qaraxyo ah ayaa saakay aroortii laga maqlay gudaha degmada Aadan Yabaal, kuwaas oo la sheegay in ay fuliyeen ciidamada Danab ee xoogga dalka, waxeyna saraakiisha ku sugan aaggaas sheegayaan in ay gawaari dagaal ka furteen kooxda Khawaarijta ah ee AS.

Degmada Aadan Yabaal oo ah degmadii ugu dambeysay ee gobolka Sh/dhexe oo gacanta AS ku jirta ayaa ka dhigan in aysan kusii jiri karin gobolka Galguduud, maadama laga xiray marinnadii ay gurmadka uga imaan lahaayeen, lagana laayay Ciidamadii ugu badnaa ee damacoodu ahaa difaacashada gobolada Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe.

 

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Culus oo laga maqlay Degmada aadan yabaal
Next articleXiisada ka Taagan Iskuul ku yaal Magaalada Gaalkacyo oo Wasaarada Waxbarashada Galmudug Dhawaan ay Xirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here