Home Wararka Maanta Lacagihii ay qaadan jireen Lataliyaasha Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Waddaniyiinta oo gudoomiye...

Lacagihii ay qaadan jireen Lataliyaasha Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Waddaniyiinta oo gudoomiye Madaale joojiyay

0

Wareegto shalay kasoo baxday guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa lagu joojiyay lacago mushaar ah ay bil walbo qaadan jireen lataliyaasha guddoonka sare ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku heleyno maamulka gobolka Banaadir waxaa bil walbo lacag badan oo mushaar ah ka qaadan jiray lataliyaal u qornaa guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa iyo xubno kale oo badan .

Waxaa sidoo kale gobolka Banaadir mushaar joogta ah ka qaadan jiray xoogaga waddaniyiinta uu sameeyay maadxweynihii hore ee Soomaaliya, kuwaa oo u badnaa xubno siyaasad ahaan si weyn u taageersanaa madaxweyne hore Farmaajo iyo maamulkiisa.

Duqa Muqdisho ayaana latashiyo uu sameeyay kaddib go’aansaday in dhammaan laga joojiyo lacagihii tirada badnaa ay qaadan jireen lataliyaasha iyo xoogaga waddaniyiinta, waxa uuna amray in kaliya mushaarka la siiyo shaqaalaha rasmiga ah ee gobolka.

Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale horey u joojiyay lacago iyana bil walbo qaadan jireen siyaasiyiin aad ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo, odayaal dhaqmeed, wariyaal iyo xubno kale oo Nabad iyo Nolol katirsanaa.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa bil walbo mushaar joogta ah ka qaadan jiray boqolaal qof oo u badnaa lataliyaal ,xooggaga waddaniyiinta iyo xubno kale oo siyaasad ahaan aad u taageersanaa maamulkii Madaxweyne Farmaajo.

Xubnahan lataliyaasha ee lacagaha laga jaray iyo dadka kale ayaa la filayaa in boosaskooda lagu bedelo lataliyaal cusub uu sameestay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuwa ay yeelan doonaan kuxigeenadiisa marka lasoo magacaabo iyo dad kale ay iyagu wataan.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Goordhow Ka Qarxay Gobalka Hiiraaan
Next articleGuddoomiyihii degmada Qoryooley oo goordhaw la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here