Home Wararka Maanta Dagaal culus ayaa ka qarxay Deegaano Hoostaga Dhuusamareeb

Dagaal culus ayaa ka qarxay Deegaano Hoostaga Dhuusamareeb

0

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 15 qof dagaal qaraar oo maanta ka dhacay inta u dhaxeyso Tuula-xaayow iyo Ceeldheere, kuwaasoo dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dagaalka ka dhacay duleedka Dhuusamareeb ayaa dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab waxaana jira xiisad dagaal oo wali ka taagan goobihii lagu dagaalamay.

Saraakiil Milateriga Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dagaalka ku daleen 15 dagaalame oo Al-shabaab ah, balse ma jirto cid ka madaxbanaan ciidamada oo xaqiijin karta khasaaraha ay sheegeen.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq ay ku kala jarayaan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaana arrintaas walaac ka muujiyay dadka degaanka.

Ad