Kumanaan ajaanib ah ayaa ku xanniban xadka Ukraine iyo Poland, kuwaasoo ay ku jiraan 150 Soomaali ah oo isugu jira rag iyo dumar, sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi oo BBC-du la xiriirtay.
Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in ay adag tahay in laga gudbo xadka, lana kala saarayo muwaadiniinta Ukraine iyo ajaaniibta, isagoo xusay in ay soo lugeeyeen masaafo dhan 40 KM.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in la daad gureeyay muwaadiniinta Soomaalida, iyadoo tiradeeda ku sheegtay 30 qof.
Soomaalida joogta Ukraine ayaa isugu jira Arday iyo qaxooti.
Ad