Home Wararka Maanta Dab ay ku geeriyooday arday Arraga naafo ka ah oo ka kacay...

Dab ay ku geeriyooday arday Arraga naafo ka ah oo ka kacay Iskuulka Salaam

0

Dab xooggan ayaa saakay ka kacay iskuul ay dhigtaan carruur arag naafo ka ah oo kuyaalla deegaanka Mukono ee dhaca bariga magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in dabkan oo ka kakacy iskuul lagu magacaabo Salaam oo ay dhigtaan carruur arraga naafo ah ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Booliiska ayaana xaqiijiyay in dabka ku dhinteen dad gaaraya 11-qof ay ku jiraan arday arraga naafo ka ah, waxa ay sidoo kale booliiska sheegeen in dabka ku dhaawacmeen dhoor qof oo kale oo lix kamid ah xaaladooda halis tahay.

Dabkan ka kacay Iskuulka Salaam ayaa saameeyay qolal ay jiiftaan ardayda, lamana oga ilaa hadda waxa dhaliyay dabkan, waxa ayna booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo waxa dhaliyay dabka .

Ad
Previous articleDEG DEG: War Cusub oo Kasoo Kordhay Deegaanka Qaayib oo Galmudug Weerar Cir iyo Dhul ah Ku Qaaday.
Next articleGalmudug oo Warsaxaafadeed Kaso Saartay Dagaalkii Alshabaab looga Qabsaday Deegaanka Qaayib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here