Home Wararka Maanta Cumar Finish” Waan Ognahay in nala bedelayo balse ma naqaan cida nalagu...

Cumar Finish” Waan Ognahay in nala bedelayo balse ma naqaan cida nalagu bedelayo”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Finish ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabsaday xaflad qarash badan ku baxday oo lagu maamuusayay waxqabadka saddexdii sanno uu xilka hayay.

Xafladan oo u muuqatay mid sagootin ah oo Cumar Finish ku macsalaameenayo maamulka gobolka Banaadir, ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliuyiin kala duwan iyo dadweyne lagu casuumay.

Cumar Finish oo hadal ka jeediyay xaflada lagu maamuusayay waxqabadkiisa inta uu xilka hayay ayuu ku sheegay in uu ogyahay in dhawwaan xilka laga qaadayo isaga iyo kuxigeenadiisa,balse waxa uu tilmaamay in uusan aqoon cidda lagu bedeli doono.

”Masuuliyada waa meerto hadda waan joognaa beri cid kale ayaa imaaneysa, ma naqaan cidda na bedeli doonto, laakin waxaan ognahay in nala bedeli doono , fursada aan heesano waa inta aan joogno ” ayuu yiri Cumar Fimish.

Cumar Fimish ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee la shaqeeya intii ay xilka hayeen wax badan ka qabteen gobolka Banaadir, waxa uuna xusay in si hagar la’aan ah gobolka ugu soo shaqeeyay wax badana ugu soo qabtay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish iyo kuxigeenadiisa ayaa lagu wadaa in xilka laga qaado maalmaha soo socda, waxaana xubnahan si weyn ugu dhawaayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo .

Ad
Previous articleATMIS oo ku dhowaaqday GO’AAN culus, kaddib weerarkii Al-Shabaab ee Hiiraan
Next articleC/raxmaan C shakuur oo ka hadlay Qorsha alshabaab iyo tilaabada Dowlada looga baahanyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here