Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya oo Soo Qabatay Gudoomoye Degmo Xabsigana Dhigay

Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya oo Soo Qabatay Gudoomoye Degmo Xabsigana Dhigay

0

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa soo xiray Faarax Kuulow oo ahaa guddoomiyaha degaanka Ceel-macaan ahna Xubin ka tirsan Golaha degaanka ee degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.

Faarax Kuulow aya loo xiray inuu leeyahay hubkii lagu dilay labo Haween ah iyo wiil saqiir ah, dil wadareedkaas oo dhawaan ka dhacay Warshiikh sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale xogta aan helnay waxay sheegeysaa in Guddoomiyaha la xiray wiilkiisa curadka ah iyo mid kale oo uu adeer u yahay oo heesta hubka Guddoomiyaha ay dilkaas fuliyeen.

Guddoomiyaha degaanka Ceel-macaan ayaa la sheegay inuu ku guuldareystay in mudadii ay siisay NISA uu ku keeno wiilashiisa oo ku eedeysan dil wadareedkaas oo aad u xanuujiyay shacabka gobolkaas.

Ad
Previous articleHoos u dhac ku Yimid Heerka Dhalmada Sweden
Next articleCiidamada Dowlada oo Gacanta Ku Dhigay Mid ka mid ah Amniyaadka Alshabaab oo Dili rabay Askari ka Tirsan Ciidanka Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here