Home Wararka Maanta Ciidanka NISA oo xiray wadaad caan ah oo taageera kooxda Al-Shabaab

Ciidanka NISA oo xiray wadaad caan ah oo taageera kooxda Al-Shabaab

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada amaanka Soomaaliya ay xireen wadaad caan ah oo lagu eedeeyey inuu Al-shabaab ku taageero khudbadaha uu jeediyo.

Wararku waxay sheegayaan in wadaadkaan ciidamada amaanku kasoo xireen degaanka Ceelasha biyaha oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Shiikh Mustafa Cali Caanood oo khadiib ka ah masjid ku yaalla degaanka ceelasha biyaha ayaa la sheegay inuu jeediyo khudbado uu si toos ah ugu taageero fekerka diineed ee kooxda Al-shabaab.

Wadaadkan oo dadka qaarkood ay ku sifeeyaan inuu yahay xagjir aaminsan manhajka takfiiriga ah ee gaaleysiinta ayaa hadda ka hor jeediyey hadalo badan oo muran ka dhex dhaliyey bulshada.

Ad
Previous articleMareykanka oo lacago cusub dul dhigay Madaxda sare ee kooxda Al-shabaab
Next articleToogasho tiro dad ah lagu dilay oo ka dhacday Jaamacada Virginia ee Dalka Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here