Home Wararka Somaliya Ciidanka Booliska oo loo Magacaabay Afayeen Cusub

Ciidanka Booliska oo loo Magacaabay Afayeen Cusub

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedel ku sameeyey Afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed U magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Gashaanle C/Fitaax Aadan Xasan ayaa waxa uu bedelayaa Col Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo ah Sarkaal Dhalinyaro ah ayaa waxaa uu ka warbixin doonaa Shaqoouinka ay qabtaan Booliska Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin howlgallada.

Ad
Previous articleMareykanka oo Difaacay Duqeymo ay ka Fuliyeen Galmudug
Next articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Deegaano Cusub la wareegay Maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here