Home Wararka Maanta Ciidanka amaanka oo nin hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab ku dilay Muqdisho

Ciidanka amaanka oo nin hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab ku dilay Muqdisho

0

Ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa caawa la sheegay in toogasho ku dileen nin hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab, kaa oo qeyb ka ahaa weerar ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in saddex nin hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab caawa weerar ku qaadeen bar-koontarool oo kutaalla xaafada Suuqa Xoolaha ,halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan booliiska.

Ciidamada booliiska ayaana goobtaasi ku dilay nin kamid ahaa ragii hubeesnaa ee qeybta ka ahaa weerarka lagu qaaday bartakoontarool, waxaana halkaasi ka baxsaday labadii nin kale ee weerarka qeybta ka ahaa.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay ninka ay toogteen ciidanka booliiska in uu watay qorayga loo yaqaan RPJ ama sabanka , waxaana qoraygaasi la wareegay ciidanka booliiska sida qoraalkooda ku sheegeen.

Degmada Hiliwaa gaar ahaan xaafada Suuqa Xoolaha waxaa ku badan weerarada xilliyada habeenkii dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ku qaadaan fariisimo ciidanka ku leeyihiin qeybo kamid ah xaafadaasi.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood iyo tirada dhimashada ilaa iyo iminka la xaqiijiyay.
Next articleDagaal Qaraar oo Saakay Markale Kasocda Magaalada Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here