Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood iyo tirada dhimashada ilaa iyo iminka...

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood iyo tirada dhimashada ilaa iyo iminka la xaqiijiyay.

0

Waxaa wali rasaas goos goos ah laga maqlayaa magaalada Laascaanood oo uu dagaal ku dhexmarayo dadka deegaanka iyo ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaaliland.

Tirada dhimashada la geeyay isbataalka guud ee Laascaanood ayaa ilaa iyo iminka inta la xaqiijiyay dhan 22 qof.

Waxaa sidoo kale jira isbataalo kale oo si gaar ah loo leeyahay oo dhaawacyo iyo meydad la geeyay.

Labada dhinac ayaa waxaa ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Mid-ba midka kale ayaa waxaa uu ku eedeeyay in isagu uu dagaalka bilaabay.

Ad
Previous articleDhul gariirkii labaad ee isla maanta oo ku dhuftay Turkiga
Next articleCiidanka amaanka oo nin hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab ku dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here