Home Wararka Somaliya Ciidan ka tirsan kuwa Somaliya oo la geegay Gobolka Tigrey si Dagaalka...

Ciidan ka tirsan kuwa Somaliya oo la geegay Gobolka Tigrey si Dagaalka qeyb uga noqdaan

0

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay in suurto gal tahay in ciidamo Soomaali ah u diraan gobolka Tigrey si ay taageero ugu siiyaan dagaalka ciidamada federaalka ee ku sugan gobolkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed, ayaa sheegay in ciidamada deegaanka xili kasta diyaar u yihiin difaacida sida uu tilmaamay Qaranimada Itoobiya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in la dagaalanka kooxda TPLF ee ku sugan obolka Tigrey u hurayaan naf iyo maal, waxa uuna xusay hadii loo baahdo in ciidamo geeyaan gobolka Tigrey balse hada aysan jirin ciidamo deegaanka oo halkaasi ka dagaalamaya.

“Ciidamada la yiri waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayno xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan u shaacinnay.” ayuu yiri Wasiir Badal.

Wasiirka Warfaafinta dowlad Deegaanka ayaa sheegay ciidamada deegaanka door weyn ku leeyihiin difaacida qaranimada Itoobiya ayna horey uga qeyb qaateen dagaalo badan ay ku jiraan kii dhax maray dowlada Itoobiya iyo Eritrea.

“Waxaan rabaa in dadka deegaanka aan u sheego in ciidamadaan ay yihiin kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida, waa xoogagii difaacayay deegaanka, waxayna kaalin ku leeyihiin difaacidda qaranka Itoobiya, tusaale ahaan waxay ka qayb qaateen dagaalkii Eriteria iyo Itoobiya. Ciidamada Dowlad Deegaanka waxay sidoo kale ahaayeen kuwii la dagaalamayay Al-shabab ee xuduuda Soomaaliya galay.” ayuu sheegay Wasiir Cali Badal.

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa si weyn uga soo horjeeda kooxda TPLF oo sanado badan heysay talada dowlada Itoobiya, waxa ayna dowlad deegaanka si weyn u taageerayaan dagaalka looga soo horjeedo TPLF.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay jadwalka
Next articleTirada Dadka lagu dilay Koonfur Afrika oo kor u dhaaftay 200 Boqol Somali oo qeyb ka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here