Ciidamo ka tirsan qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka soo ambabaxay gobolka Hiiraan ayaa xalay iyo saaka gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay si rasmi ah uga dhigeen saldhigkooda xerada qaybta 21aad ee milatariga ee ku taalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada.
Ciidankan oo laba guuto ahaa ayaa si is daba joog ah u soo galay magaalada, taas oo muujinaysa dhaq-dhaqaaq militari oo sii xoogeysanaya gudaha Galmudug. Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in ujeeddada dhaqdhaqaaqan ay tahay dib u habeyn amni iyo isku dubarid howlgalada ciidamada dowladda ee gobollada dhexe.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu berri gaaro magaalada Dhuusamareeb. Taliyaha ayaa halkaas ku soo xiraya tababar u socday cutubyo ciidan oo lagu diyaarinayay deegaanka Xaranbuure, oo ah xero tababar oo ku taalla duleedka magaalada.
Isla markaana, hoggaanka dhaqanka ee Dhuusamareeb ayaa maanta qorsheynaya inay kulan gaar ah ku yeeshaan magaalada. Kulankan ayaa imaanaya xilli ay jiraan cadaadis siyaasadeed oo la sheegay inuu ka imanayo madaxtooyada Galmudug, kuwaas oo ku saabsan mowqifka ay ka qaadanayaan xaaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.
Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanku ay diiradda saarayaan baaq nabadeed iyo in laga baaqsado xiisad kasta oo horseedi karta iska hor imaad hubeysan oo ka dhaca gudaha magaalada.
Dhanka amniga, xaaladda guud ee Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay mid degan, inkastoo roobab xooggan ay saacadihii la soo dhaafay ka da’een magaalada iyo nawaaxigeeda, taas oo saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa bulshada.



