Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo Farabadan oo Ku Wajahan Ceelbuur oo Soo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)

Ciidamo Farabadan oo Ku Wajahan Ceelbuur oo Soo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)

0

Dhuusamareeb waxaa ka socdo dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garobayo dib u xoreynta deeganada ka maqan gacanta maamulka Galmudug oo ay ugu horreyso degmada Ceelbuur.

Ciidamado aad u fara badan oo maanta laga qaaday Muqdisho ayaa galinkii hore ee maanta gaaray halkaas, berri waxaa lagu wadaa in ay dhowr diyaaradood kale oo ciidamo sido gaaraan caasimadda Galmudug, waxaana halkaas loogu diyaarshay gawaari dagaal oo ay qabiilada daga deegaanada aan xorta aheyn iibiyeen iyo kuwo Federaalka ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa u muuqda mid qaatay go’aan adag oo ka dhan ah kooxda AS, kuwaas oo hadda wajahaya kacdoon shacab oo garab buuxa ka helaya dowladda dhexe.

Dhanka Mudug, degmada Wisil waxaa diyaar ku ah ciidamada daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo muddo fog difaac halkaas uga jiray, Cadaado, Baxdo, Cadakibir iyo Godinlabe waxaa ka socdo hub aruursi iyo dadkii deegaanka oo kacay, wuxuuna qorshuhu yahay in ay degmada Xarardheere gaaraan.

Sidoo kale Dhuusamareeb waxa ay isku diyaarineysaa in ay u ruqaansato Ceelbuur, Ceel-lahele, Ceel-qooxle, Ceel-garas, Galhareeri iyo Ceeldheer, waxaan maalmaha soo aaddan Galmudug gaari doono Xildhibaano, wasiirro iyo Senatoro kasoo jeedo Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb Dib ugu Soo laabtay(Sawiro)
Next articleCabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here