Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamda Macawislayda Hiiraan oo saakay Markale weerar Culus ku qaaday Alshabaab

Ciidamda Macawislayda Hiiraan oo saakay Markale weerar Culus ku qaaday Alshabaab

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawuusleyda iyo Al Shabaab uu ka socdo deegaano hoostaga magaaladaasi.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa ka socdaa degaannada Baareey iyo Dhoqor oo dhaca Jiinka Wabiga isla markaana hoostaga magaalada Beledweyne, waxaana deegaannadaasi laga maqlayaa rasaas culus.

Ciidamada deegaanka ayaa wararku sheegayaan in weerar ku qaadeen fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhax maraya dagaal khasaaro dhaliyay.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada deegaanka ayaa sheegay in Al Shabaab dagaalka khasaaro ku gaarsiiyeen, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay burburiyeen dooman ay Al Shabaab wabiga uga gudbi jireen .

Gobolka Hiiraan deegaano badan oo ka tirsan waxaa ka dhacay dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada deegaanka oo gacan ka helayay kuwa dowladda iyo Al Shabaab, waxaana inta badan Hiiraan laga saaray kooxda Al Shabaab .

Ad
Previous articleMareykanka oo weerar ku Dilay 15 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab
Next articleAl Shabaab oo Weerar Gaadmo ah ku dishay askar katirsan ciidanka dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here