Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamado farabadan oo aad U Hubaysan oo Baraawe La Geeyey(Sawiro)

Ciidamado farabadan oo aad U Hubaysan oo Baraawe La Geeyey(Sawiro)

0

Waxaa maanta diyaarado lagu geeyay magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed la geeyay ciidamo badan oo isugu jira booliis iyo milatari aad u hubeesan.

Ciidankan maanta la geeyay magaalada Baraawe ayaa loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan sugida ammaanka magaalada Baraawe inta ay socdaan doorashada kuraasta gollaha shacabka ee magaaladaasi lagu qabanayo.

Taliyaha ciidanka booliska Koonfur Galbeed Gaashaanle Cabdi Ibraahim Shaamow, iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan magaalada Baraawe ayaa soo dhaweeyay ciidamada magaaladaasi la geeyay.

Magaalada Baraawe ayaa 10ka bishan lagu qabanayaa doorashada 13-kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka , waxaana Koonfur Galbeed horey doorashada gollaha shacabka ugu qabatay magaalada Baydhabo oo hada u ah caasimad KMG ah.

Ad
Previous articleWasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya oo Goor dhaw xabsiga Laga sii daayay
Next articleOdayaasha Soo Xulaaya Ergada Dooranaysa HOP241 iyo HOP263 oo Lashaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here